Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Baarlamaanka Puntland oo dood kulul ka yeeshey maantey lifaaq ka hadlaya soo xulista Xildhibaanadda bedeli doona kuwa hada jira

Aqalka Baarlamaanka Puntland ee magaaladda Garoowe waxaa maanta kulan ku yeeshey mudanayaashada Baarlamaanka waxaana ay dood kulul ka yeesheen lifaaq ka hadlaya soo xulista Xildhibaanadda bedeli doona kuwa hada jira.

Lifaaq Baarlamaanka maantey la horkeenay waxaa soo diyaariyey guddiga shuruucda ee baarlamaanka Puntland, waxana ay ka warbixiyeen Xildhibaanada cusub ee lagu bedeli doono kuwa hada wakhtigoodu dhamaadka yahay habka lugu soo dhisidoono.
Gudigu soo diyarshey lifaaqa ka hadlaya soo xulista xildhibaanadda cusub waxay sheegeen in Xildhibaanadda cusub ay ku imaan doonaan hab beeleedka ay hore Puntland wax ugu qaybsan jirtey.

Lifaaqan ay soo gudbiyeen gudiga shuruucda ee Baarlamaanka Puntland waxaa uu noqonayaa mid dib loogu noqon doono nidaamkii qabiilka, kaas oo ka dhigaya in doorashooyinka soo socda ee Puntland loo maro nidaamkii qabiilka oo Puntland kasoo gudubtey balse hada lagu celiyey.
Halkaan hoose ka daawo warkaani.

You must be logged in to post a comment Login