Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Baarlamanka oo maanta ansixiyay talo soo jeedintii gudiga Maaliyadda ee Baarlamanka

Fadhigii Baarlamanka ee maanta oo lagu ansixiyay talo soo jeedinta gudiga Maaliyadda Baarlamanka.

Kulanka baarlamaanka maanta ee uu gudoominayay mudane Jeylaani Nuur Iikar gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa ajandihiisu ahaa ka doodida xisaab xirka miisaaniyadda sanadkii 2012 gaar ahaan bilihii Oct, Nov, iyo December, waxaana soo xaadiray xildhibaano tiradoodu tahay 152.

Furitaanka kadib waxaa la galay dooddi maanta ee ku saabsaneyd xisaab xirka miisaaniyadi sanadkii 2012 waxaana goobta ka hadlay Sagaal xildhibaan oo soo jeediyay talooyin dhowr ah oo ku saabsan maareynta dhaqaalaha dalka iyo qodobo meesha ka saaraya dul duleelooyin badan oo soo baxay markii ay gudiga Maaliyada ee Baarlamaanka dabagal sameeyeen.

Doodda iyo soo jeedinta talooyinka kadib waxaa hadlay xoghaya guddiga Maaliyadda iyo la xisaabtanka hay’adaha dowlada oo isuguna soo jeediyay talooyinka gudiga ee ku wajahan qaabka maamulo lacagaha dalka soo galo.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo faahfaahsan.

You must be logged in to post a comment Login