Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dilalka Soomaalida Loogu Geysto Koonfur Afrika Oo Cape Town Ka Dhacay

Banaanbaxani oo ahaa Mid aad u balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada bakistaan ee Dalka outh africa isla markaana ay kasoo qeyb galeen Dad weyne aad u fara badan oo qaxooti ku ah Dalka south africa Ayaa Maanta Ka dhacay Magaalada cape town.

Ujeeda Banaan Baxa ayaa Aheyd In Dowlada South africa lagu adkeeyo in aan lasiin deyn Kooxo Burcad ah oo Todobaadkii Hore Magaalada Cape town Ku Dilay ilaa 5 Ganacsade Bakaistaaniyiin Kuwaa oo Imnka Ku Xeran Xabsi Ku Yaala magaalada Cape town.

Dadka Banaanbaxa Sameynayay ayaa Socday Kusoo Maray Wadooyinka Magaalada cape town ayadoo ay isugu yimaaden iridka hore ee xarunta barlamaanka magaalada cape town Waxaana ay wateen Boorar waa weyn oo Lagu Xaray Erayo ay Ku Miijinayeen Dareenkooda Ku aadan sida ay Uga xun Yihiin Dilalka Bareerka ah ee loo geysto Dadka qaxootiga ah ee ku nool dalka south africa iyo Sida wax looga qaban La Yahay dhibaatooyinka ay ka kulmaan.

Waxaana Dadkaa ay ka codsadeen dowlada south africa in calaada la horkeeno dilayaasha isla markaana aan wax bail ah lagu sii deyn marka la qabto.

Cabduqaadir Cisman “Karakoos” oo Dhanka Jaaliyada Somalida Ka socday oo Ka Goobta Ka Hadlay ayaa waxaa uu muujiyay Dhibaatada Dilalka u Badan ee somalida kala kulmaan Dalka south africa waxaana uu sheegay in laga bilaabo sanadii 2008-dii Ila Hada Dalka south africa lagu dilay 1200 oo qafood oo somali ah kuwaa oo ahaa ila hada dadkii dilay aan la horkeenin Calaada.

Banaan Baxa Kani ayaa Waxaa uu Kusoo aadayaa Xillli Todobaadkaan Kaliya Dalka south africa lagu dulay in ka badan 6 ruux oo somali ah iyo dhawaaca tiro aan la cayiman kuwa oo aan cid loo qabtay jirin ilaa iminka.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login