Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: barnaamij cajiib badan oo laga sameeyay jooginta Khaatka iyo Shacabka Kenya Oo Wlaac Ka Mujaajiyay Joojinta Khaatka

Mid ka mid ah wariyaasha tvga Somali channel ayaa sheegay inuu gaaray guushii ugu weyneed ee aheyd in Khaatka laga joogiyo dalkan Uk.

Hadabo halkaan hoose ka daawo barnaamij ay Somali channel ka diyaarisii joojinta Jaadka.

Dhanka kale Beeralayda Khaatka dalka Kenya ayaa walaac ballaaran ka muujiyay go’aan maalmo ka hor ay xukuumadda Ingiriiska ku gaartay in dalkeeda ay ka mamnuucday Maandooriyaha Khaatka.

Kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen boqolaal katirsan beeralayda Kenya ee beerta Khaatka ayay ku sheegeen in qorshahan ay Ingiriisku qaateen ay saameyn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah ay ku yeelan karto malaayiin Kenyan ah oo ka shaqeeya soo saarista Khaatka.

Guddiga beeralayda Khaatka Nuuca Miraaga loo yaqaan ayaa ka codsaday madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in uu si deg deg ah faragelin ugu sameeyo go’aanka UK ay ku gaartay in dalkeeda laga mamnuucay Khaatka.

Kipkorir Menjo oo madax u ah Urur ay leeyihiin beeralayda Khaatka Kenya ayaa go’aanka Ingiriiska ku sifeeyay “Halis dhanka dhaqaalaha ah oo Kenya soo food saartay”.

Beeralayda Kenya ayaa u arka go’aanka ay Kenya gaartay mid wadada ujeexaya in dowlado kale oo Midowga Yurub katirsan ay iyana joojiyaan khaatka Kenya kaga yimaad sida dowladda Holland oo qarka usaaran in dakeeda ay ka joojiso khaatka.

Malaayiin dollar ayaa maalin walba Kenya kasoo gasha Khaatka ay u dhoofiso Yurub iyo Soomaaliya intabadan Khaatkaasi waxaa cuna dadka Soomaalida ah oo sida muuqata dhaqaalahooda si dadban ugu dhisaya dalka Kenya oo ciidankiisu duulaan ku qabsadeen gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.

You must be logged in to post a comment Login