Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: ciidamada bada ee maamulka Puntland oo gacanta ku dhigay kaluumeysato si sharci daro ah uga kaluumeysanaayay xeebaha Somaaliya

Ciidamadda Badda Puntland ee PMPF oo shalay Saldhigooda Boosaaso kusoo bandhigay 78-qof oo Kalluumeysato Iiraan u dhalatay iyo 12- Soomaali ah kuwaas oo ilaalo u ahaa Badmaaxiyaasha.

Ciidamada oo kahawlgalay maalintii shalay xeebta degmada laasqoray kadib markii ay kusoo wargeliyeen dadka deegaanka inay dhibaato kuhayaan maraakiib jariif ah ayaa waxaa goobta ku dhexmaray iska hor imaad iyadoona markii dame ay ciidanku soo qabteen 78 qof oo udhasahay dalka Iiraan iyo 12 soomaliya oo iyagu ilaalinayay kooxadani jariifka waxaa sidoo kale ay ciidanku gacanta kuhayaan shan doomood oo ay isticmaalayeen ragani jariifka ah.

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland C/risaaq Diiriye faarax oo Saxaafada lahadalay ayaa sheegay in hawlgalkani uu kadameeyay kadib markii ay ciidanku bilaalbeen qorshe lagaula dagaalamayo dadka sida sharacidarada ah uga kaluumaysta xeebaha Puntland, taliyaha ayaa intaasi raaciyay inay ladagaalami doonaan cidkasta oo isku dayda inay jariifaan xeebaha Puntland.

Halakaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhan

You must be logged in to post a comment Login