Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Ciidamada DF ee Soomaaliya oo howlgalo hakad galiyay isku socodka gaadiidka

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiray wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho oo ay ka mid tahay wadada Mashquulka badan ee Maka Al Mukarama.
Gaadiidka ayaa laga celinayaa wadooyinkaasi marka laga reebo gaadiidka ciidamada iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Xiriir aan la sameynay Saraakiil ciidan ayaa waxa ay inoo sheegeen in labo arimood ay u sabab tahay xiritaanka wadooyinka.

Labo arrimood waxa ay ku sheegeen ilaha lagu kalsoon yahay in ay suura gal tahay in uu soo dago Wafdi heer sara ah, iyadoo sidoo kale sheegay in la helay xogo ku saabsan falal amni daro oo ka dhici kara magaalada oo ay ka hortagayaan ciidan.
Wadooyinka Muqdisho ayaa la xiraa marka inta badna ay imaanayaa wafuuda heerka Caalami ah balse tan maanta macadda wax war ahna kama bixin Saraakiisha.

You must be logged in to post a comment Login