Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Ciidamada maamul goboleedka Puntland oo gacanta ku dhigay lacag laga qaadayay deeganada Puntland oo u socotay Muqdisho

Wasiir ku xigeeka Maaliyadda Puntland oo saxaafadda lahadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada amaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen lacag la sheegay in ay u socotay Koonfurta Somaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho.

Mr Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo ah ku xigeenka wasiirka maaliyadda ayaa waxaa uu sheegay in lacagtan ay gaareysay ilaa nus bilyan oo shilin Somali ah,isagoona wariyaasha u xaqiijiyay in taa badalkeeda ganacsatada la siiyay lacag dolar ah oo u dhiganta lacagta ay wadeen.

Wasiir ka ayaa ganacsatada waxaa uu ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan in ay lacag kaash ah ay ka qaadaan Puntland ciddii lagu arkana ay talaabo ka qaadi doonaan,isagoona intaa raaciyay in aysan jiri doonin lacag danbe oo la badalaayo ,laakiin ay maamulka la wareegidoonaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale wariyaasha u sheegay in madaxweynaha Puntland uu magacaabidoono saacadaha socda gudi dabagal ku sameeyay sababaha keenay in alacagta dolar-ka ay hoos u dhacdo.

You must be logged in to post a comment Login