Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Cunsuriyiinta Ingiriiska Oo Dab Qabadsiiyay Xarun Islaami ah Oo Muslimiintu Ku Leeyihiin Magaalada London.

Wararka ka imaanaya woqooyiga London ayaa sheegaya in lagubay Xarunta Islaamiga Alraxmah oo ay gacanta ku hayaan culima Soomaaliyeed waxayna aheed goob carruurta lagu baro diinta islaamka.

Saraakiisha Booliska Ingiriiska waxay sheegeen in waxyeello xoogan ay gaartay Madarasada Alraxma ee Islaamiga ah,boqolaal katirsan dab-damiska London ayaa ku xoomay xarunta iyagoo ku guuleystay in ay damiyeen qeyb kamid ah dhismaha xarunta islaamiga ah.

Wararku waxay sheegayaan in wax dhibaata ah aysan gaarin carruurtii waxku baran jirtay Madarasada,Duqa magaalada London ayaa weerarka cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay “Mid laga yaaq-yaaqsado”.

Dhismaha Madarasada ayay xagjirayaasha Nasaarad ah ku qoreen qoraallo muujinaya cunsuriyad sida IDL oo u taagan xulka difaaca isku xirka Ingiriiska.

Abuukar Cali oo kamid ah macalimiinta Soomaalida ee ka howlgasha xarunta lagubay ayaa BBC-da qeybta Carabiga u sheegay in cabsi xoogan soo food saartay Soomaalida ku dhaqan magaalada London.

Falkaani ay maanta ku kaceen cunsuriyiinta ingiriiska ayaa ka dambeeyay kadib markii ay 2 nin oo muslimin ay qoorta ka jaren nin askari British ah taas oo ka careysiisay boqolaal ka maid ah dadweynaha ingiska ee ku nool guud ahaan dalkan UK.

Ururada ku kacsan islaamka ayaa horay u sheegay in ay joojinayaan dhismaha Masjidka ugu weyn qaaradda Yurub oo lagu waday in laga dhiso magaalada London

You must be logged in to post a comment Login