Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Duqii magaalada Hargeysa Ayaa Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Hargeysa

Maayarkii Magaalada Hargeysa Yuusuf Warsame Siciid oo habeen hore ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Xeedho ee Waqooyiga Hargeysa.

Maydka maayarka oo saaka laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Magaaladda Berbera, ayaa waxa salaadii Duhur ee maanta ka dib la soo gaadhsiiyay Hargeysa, iyadda oo markaa ka dib lagu aasay Xabaalaha Xeedho, iyadda oo salaadii Jinaasadiisa ay ka qayb-galaan boqolaal qof oo ay ka mid yihiin Wasiirro ka tirsan xukkuumadda Somaliland, siyaasiyiin, culimo iyo siyaasiyiin kale oo aad u faro badnaa.

Mayarka oo si heer qaran ah loo aasay isla-markaana Maydkiisa lagu daboolay calanka Somaliland, ayaa taariikh nololeedkiisa ka sheekeeyay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Sheekh Aaden Siiro, Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha gudaha Cabdilaahi Cirro, Wasiir ku xigeenkeenka Wasaarada warfaafinta Cabdilaahi Cukuse, Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Mr Geelle, oo isagu sheegay in Marxuumku ahaa qofkii sameeyay (Logo-dii SNM), isaga oo Marxuumka ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi aqoon badan leh oo umadda Somaliland ka baxay.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhan

You must be logged in to post a comment Login