Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: fantasyada loo dhigay xuska maalinta Aasaaska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Sanad guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xillgii dhidibada loo taagay ciidamada asluubta Soomaaliyeed ayaa xus weyn waxaa loogu dhigay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Xuska maanta oo ay ka qeyb galeen wasiirada Gaashaandhigga, Gudaha iyo Cadaalada ayaa waxaa lagu qabtay Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyada oo ay ciidamada asluubtu ay kusoo bandhigeen gaada kaciyaar.

Fanaaniin Soomaaliyeed ayaa iyana waxa ay halkaasi kaqaadeen heeso katarjumaya muhiimada ciidamada asluubtu ay u leeyihiin jiritaanka dalka Soomaaliya, waxaana halkaasi kahadlay taliya ku xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliya, Xuseen Xasan Cusmaan, oo sheeegay in ciidamada Asluubtu xilligaan ay yihiin kuwa ka soo kabtay duruufihii ay soo mareen xilliyadii fowdada
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login