Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Faroole oo Xariga ka Jaray Madaxtooyo Cusub oo maamulkiisa yeelanayo

Madaxweynaha Puntland ku xigeenkiisa iyo masuuliyiin kale oo dowlada , Culumada iyo Hay’adaha QM ka tirsan oo ay wehliyaan Bulshada qeybaheeda kala duwan ayuu Madaxweynuhu Xariga ka jaray Madaxtooyada Cusub ee dhawaan dhismaheeda lasoo afjaray waxaana isla xalay uu u hoyday madaxweynuhu Madaxtooyada Cusub kana wareegay Xaruntii hore ee gobolka oo Dowladu si Kumeel gaar ah ay u daganayd.

Madaxweyne faroole wuxuu xusay in Puntland uu hormar kala duwan uu ka socdo Bosaso, Qardho, iyo Garowena ay ka jiraan Dhismayaal Hormarineed Gaalkacyona hada laga bilaabi doono sida ugu dhaqsiyaha badan,wuxuuna u mahadcelshay madaxweynuhu Engineerada had iyo goor isku hawla Dib usoo celinta Bilicda Dalka kana qayb qaatay Dhisida Qasriga Madaxtooyada Cusub ee Puntland.

You must be logged in to post a comment Login