Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Gen Caanood oo Kanixiyey Siilaanyo & Jawabtii ay Bixiiyeen

Genral Caanood oo ka tirsan Saraakiisha Ciiddamadda Dowladda, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Somalia ay waxbadan ka damacsan tahay Deeganada Maamulka Axmed Siilaanyo.

Wuxuu sheegay in Saraakiisha iyo Xukuumadda Somalia ay isla meel dhigeen in gabi ahaan Dalka Soomaaliya laga taago Calanka Buluuga ee Somalia, isagoona sheegay in Calanka uusan galeynin gorgortan.

Dhanka kale, waxa uu Tilmaamay in Xukuumadda Somalia ay xoogeysatay loona baahan yahay in laga fakiro sidii Calanka Somalia dib loogu soo nooleyn lahaa Raaskambooni Ilaa saylac.

Dhinaca kale Amuurtaan ayaa waxay Ka nixisay maamulka Falaagada ah ee Somaliland, Waxa Jawaab Ay Baqdin ku Muuqato Bixiyey, Wasiirka arimaha Gudaha Cali Waran Cade.

Wuxuu Isaga oo Qaylinaya Goob Ka yidhi “Gen: Caanood wuxuu Sheegay, In Calankii aynu Darxumada kasoo Marnay Dib Loogu Soo Celiyo Somaliland, hala Diyaar garoobo” ayuu Ku Qayliyey.

You must be logged in to post a comment Login