Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Golaha wasiirada oo soo dhaweeyey go’aankii ay mudanayaashu uga laabteen Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga laabteen Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda,kulanka Todobaadlaha ee golaha wasiirada oo uu shir gudoominayey R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayey kusoo dhaweeyeen tallaabadii ay baarlamaanku ku joojiyeen Mooshinkii xukuumadda ay ka keeneen.

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon oo warbaahinta la hadlay markii uu kulanku soo gabagabeeyey ayaa xildhibaanada ku ammaanay go’aankii ay kaga laabteen Mooshinkii Xukuumadda uu hogaamiyo ka dhanka ahaa kasoo ay soo gudbiyeen xubno ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka oo dhaliilsanaa waxqabadka xukuumadda.
R/wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay arimo kale oo ku saabsan xaaladaha dalka sida arimaha Jubooyinka, wada-hadalada ay dowladdu kula jirto maamulka Soomaaliland dadaalada Muqdisho laga wado iyo horumarada laga sameeyey gobolada dalka.
Halkaan hoose ka daawo warbixintani oo dhan.

You must be logged in to post a comment Login