Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Golaha Xukuumada fadaraalka Soomaaliya oo Kulan Ay Muqdisho Ku Yeesheen Kaga Dooday Qodobo dhow ah.

Shirka Golaha wasiirada ee deg dega ahaa ayaa ka dhacay xafiiska Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu shir gudoominayey kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta, mudane C/laahi Abyan Nuur.

Shirka inta uu socday qodobbo badan ayaa looga hadlay waxaana kamid ah amaanka iyo Howlaha kale ee dowladda dhamaadka shirka golaha wasiirada kadib ayaa wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiid mudane C/Shakuur Cali Mire oo warbaahinta Sharraxaad dheer ka siiyey muhiimadda shirkan ayaa hoosta ka xariiqay in war-bixn dheer laga Dhageystay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo amaanka Qaranka xaaladda amnina la sii Dhiiragaliyey.

Shirka ayuu sheegay mudane C/shakuur Cali Mire wasiir kuxigeenka Warfaafinta in la isku soo Qaaday digniintii ay dhawaan dowladda Ingariisku ujeedisay muwaadiniinteeda inay Soomaaliya Usoo socdaalaan.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay wasiir kuxigeenku in war-bixin dhinaca Miisaaniyadda ah laga Dhageystay wasaaradda Maaliyadda iyo qorsheynta iyagoo dhinaca kalena isku raacay in Garoonka diyaaraha magaalada Baydhaba loogu magac daro Marxuud Xassan Maxamed Nuur Shaati Gaduud oo horay usoo noqday wasiirkii Beeraha Soomaaliya dhawaana geeriyooday

You must be logged in to post a comment Login