Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Gudiga doorashooyinka golaha deegaanada Puntland oo mar kale dib loo dhigay

Gudoomiyaha guddiga faramada ee doorashooyinka Maxamed Xasan Barre ayaa maanta shiraxaafadeed uu ku qabtay magaalada Garowe waxaa uu ku sheegay madaxwaynuhu go’aankan inuu kusoo saaray digreeto, kadib markii guddiga uu codsaday in waqti loogu darro ururada siyaasadda oo arintaasi markii horeba soo jeediyay.
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay doorashadu inay dhcayso 15-ka bisha Julay (7-aad) halkii mar hore lagu waday 30-ka bisha June.

Doorashooyinka dowladaha ee Hoose Puntland ayaa horay loogu waday in la qabto bisha May ee aan ku guda jirno iyadoo markaasi guddiga uu sheegay in dib loo dhigay, waxaana arintaani ay kusoo beegmaysaa xilli ururada Midnimo iyo Udad ay wali ku adkaysanayaan inay ka qaybgali doonin doorashooyinka Puntland , kadib markii ay saluugeen qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada ee Puntland.
Halkaan hoose ka daawo warkaani.

You must be logged in to post a comment Login