Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Hay’adda Human Rights Watch oo Ciidanka Kenya ku eedeysay inay tacdiyo u geysteen Soomaalida ku nool Nairobi

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in ciidanka Kenya ay tacdiyo isugu jira kufsi, jirdil iyo xarig aan xad lahayn ay kula kaceen 1,000 ruux oo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya intii u dhexeysay bilaha November 2012 illaa Jannaayo 2013.

HRW ayaa ugu baaqday xukuumadda Kenya inay baaritaanno ku sameysay dhibaatooyinkaas lagula kacay qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda, iyadoo hay’adda qoxootiga adduunka lagu eedeeyay inaysan weli ka hadlin taciyada lagula kacayo qoxootiga.

Warbixintan oo ka kooban 68-bog ayaa cinwaan looga dhigay “Dhammaantiin waxaa tihiin argagaxiso”, iyadoo ha’yaddu sheegtay in warbixinteeda ay ku fadhido wareysiyo ay la yeelatay 101 qof oo ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi.

Ugu dambeyn, hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteedan kusoo gabgabeysay in dowladda Kenya ay ka hortagto falalka guracan ee ay kula kacayaan ciidamadeeda qoxootiga dalkeeda u soo haajiray.

You must be logged in to post a comment Login