Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Hogaanka Socdaalka & Jinsiyadaha dowladda oo sheegay in la diiwaan galiyey ajaanib fara badan oo dalka ku sugan

Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu diiwan galiyey ajaanibta dalka ku sugan taliyaha hogaanka iyo Socdaalka dowladda Soomaaliye Gen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in la diiwaan galiyey ajaanibta dalka ku sugan.
Gen. Gaafow ayaa tilmaamay in la diiwaan galiyey 1345 oo ajaanib ah kuwaas oo sida uu sheegay iskugu jiray Diblamaasiyiin,Shaqaalaha hay’adaha Samafalka iyo shaqaalo shirkado ganacsi oo dalka hawlo kala duwan ka qabta,wuxuuna tilmaamay iney arintaasi uga gol leeyihiin sidii ay uga warqabi lahaayeen ajaanibta dalka ku sugan iyo waxyaabaha ay dalka ka qabtaan.

Taliyaha hogaanka ayaa sheegay iney diyaaradaas kusameeyeen baaritaan kooban oo uu tilmaamay iney ku doonayeen iney ku baaraan Dukumiintiyada Rakaabka saaran oo qaarkood looga shakiyey iney wateen kuwo been abuur ah,wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay in diyaaradaas la is hortaagay.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo faahfaahsan

You must be logged in to post a comment Login