Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Maamulka Galmudug oo Gaashaanka u Daruuray Hadal Kasoo Yeeray Raysul Wasaare Saacid

Maamulka Galmudug ayaa gaashaanka u daruuray hadal kasoo yeeray Raysul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka dhawaajiyey xili uu la hadlayey boqolaal ruux oo ku sugnaa koonfurta magaalada Gaalkacyo iney dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug ay ku biiri karaan halkii ay doonaan.
Raysul wasaaraha ayaa si cad oo aan la leexleexad lahayn u sheegay in maamul goboleed ay noqon karaan labo gobol iyo wixii ka badan sidaasna uu cadeynayo dastuurka federaalka Soomaaliya.
Raysul wasaare Saacid ayaa sheegay in Galmudug ay ku biiri karto maamulada kale ee deriska la ah si ay u noqdaan maamul goboleed buuxa oo ay u dhamaystiran yihiin shuruudihii laga rabay oo ay ugu horeyso inuusan ka yaraan labo gobol maamul goboleed kasta.
Axmed Baasto oo ah wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay tahay maamul goboleed dhamaystiran wuxuuna shaaca ka qaaday iney ka mid ahaayeen saxiixayaashii hab raaca nabdda Soomaaliya ee ay ku timi dowlada federaalka Soomaaliya. Axmed Baasto ayaa tibaaxay iney qayb libaax leh ka qaateen yagleelida dowlada federaalka ah ee hada jirta, isla markaane uu doorkooda siyaasada Soomaaliya uu yahay mid muuqda.
Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Maxamed Baasto ayaa tilmaamay in Galmudug ay ka kooban tahay labo gobol oo kala ah Galgaduud iyo Mudug isagoona tibaaxay in maamulka Galmudug uu yahay maamul goboleed rasmi wuxuuna intaa ku daray iney warsaxaafadeed kasoo saarayaan hadalka Raysul wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ee ku saabsan in maamulka Galmudug oo ku biiro deegaano kale si ay u noqdaan maamul goboleed buuxa.
Arrinta ay ka boodeen maamulka Galmudug ayaa sidoo kake saameyneysa maamulo kale sida Ximan iyo Xeeb oo raysul wasaaruhu kula taliyey inay maamulada kale wax ku darsadaan.

You must be logged in to post a comment Login