Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Maamulka G/Banaadir oo hey’adaha kala hadlay mashaariicda ay ka wadaan Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa kala hadlay hay’adaha maashaariicda kala duwan ka wada magaalada Muqdisho in ay la socodsiiyaan mas’uuliyiinta Maamulka G/Banaadir ka hor inta ay aysan guda galin howlahooda.

Kulanka oo ka dhacay xarunta mamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay hay’ado ay ka mid tahay barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP, USAID iyo hay’adda TIKA oo ka tirsan hay’adaha dalka Turkiga ee mashaariicda kala duwan ka wada magaaladda Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka banaadir Max’ed Yuusuf Cisman oo kulanka ka dib saxaafadda la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii laga wada hadlay iyo waxa kulanka kasoo baxay asigoo tilmaamay in waxyaabihi kasoo baxay ay ka mid tahay howl walba oo hay’adahan ay sameynayaan Muqdisho ay kusoo wargeliyaan maamulka gobolka Banaadir.

Kulankan maanta oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska mashaariicda maamulka gobolka banaadir ayaa waxaa uu ahaa mid intiisa badan looga hadlay arinta ku aadan sidii loo hormarin lahaa mashaariicda kala duwan ee hay’adaha caalamiga ah ay ka wadaan dalka Soomaaliya.
Halkaan hoose ka daawo warkaani oo faahfaahsan.

You must be logged in to post a comment Login