Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Madaxda Sare ee Dowlada Federaalka ee Soomaaliya oo laga talaalay cudurka dabeysha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)ayaa maanta u horseeday shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadda tallaalka Dabeysha oo ay iyaga isku hor-tallaaleen warbaahinta horteeda.

Munaasabad ay soo diyaariyeen Wasaaradda Arrimaha Bulshada ayaa lagu qabtay Madaxtooyada oo lagu xoojinayo muhiimadda tallaalka Dabeysha oo Soomaaliya ay ka mid noqotay 4ta waddan ee Adduunka laga helay cudurka dilaaga ah ee Dabeysha.

Maryan waxey sheegtey in cudurkan laga tallaalay 600,000 tan iyo bishii May, haddana la rajeynayo in 6da maalmood ee soo socota la tallaalo 4 million Soomaali ah.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo xiiso leh.

You must be logged in to post a comment Login