Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Kormeeray Dekedda Caalamiga Ah Ee Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer howleed ku tagay dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Kormeerkaan howleed ayaa waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu kuurgalayey sida ay u socdaan howlaha shaqo ee Dekedda caalamaga ah ee magaalada Muqdisho oo iyadu ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha uu kasoo galo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu tagay Dekedda waxa uu ugu horeyn warbixinno ku aadan sida ay u socdaan howl maalmeedka shaqo ee Dekedda caalamiga ah waxa uu ka dhageystay maamulka Dekedda oo iyagu Madaxweynaha u sheegay in shaqo maalmeedka dekedda uu u socdo si wanaagsan islamarkaana ay sii kordhayaan maraakiibta iyo doonyaha badeecadaha kala duwan sida ee kusoo xeranaya.

Madaxweynaha ayaa markii uu warbixinnadaasi ka dhageystay maamulka Dekedda kadib waxa uu soo kormeeray sida ay u shaqeeyaan dhammaanba xafiisyada ku yaala dekedda iyo bakhaarrada,sidoo kalena waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo kormeeray furdada isaga oo si gaar ahna usoo indha dheeyey qaabka ay u socdaan howlaha dejinta iyo dhoofinta ah ee ka soconaya dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login