Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Kulammo Gooni Gooni Ah Madax Kala Duwan Kula Qaatay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geele iyo Raiisul Wasaaraha dalka Liibya Mudane Cali Zeidan.

Madaxweynaha ayaa markii u la kulmay Madaxweynaha Jabuuti waxuu kala hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ciidamadda Soomaliya la tayeeyo si ay amniga dalka oo dhan u sugaan. Waxaa kale oo goobtaas looga hadlay doorka ay Jabuuti ka qaadatay kana qaadan doonto ciidamadda AMISOM. Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri ”Si deg deg ah ayey Jabuuti uga soo gaartay markii ay dhawaan cudurro ka dilaaceen qaar ka mid ah goboladda Soomaaliya .

Kulankii uu la qaatay Raiisul Wasaaraha dalka Liibiya Mudane Cali Zeidan ayuu Madaxweynuhu wuxuu xoogga saaray xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Liibya. Waxaa kale oo uu kala hadlay in muwadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada Liibiya ku jira dib loogu soo celiyo dalkooda.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa caawa la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qadar.

You must be logged in to post a comment Login