Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Madaxweynaha maamulk Somaliland Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Xildhibaan Aadan Shire Faarax

Xildhibaan Aadan Shire Faarax Sanwayne oo katirsanaa Golaha Guurtida ee maamulka Somaliland ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Hargaysa, kadib markii daad uu ku qaaday Dooxada Lafaruug oo katirsan gobolka Saaxil.

Xildhibaanka ayaa maydkiisa laga helay dooxada goob u dhow isagoo xiliga uu daaadka qaaday saarnaa gaari kusii jeeday degmada Burco ee gobolka Togdheer.

Madaxwaynaha Somaliland ,golayaasha xildhibaanada, guurtida culimada diinta iyo shacab aad u badan ayaa ka qaybgalay aaska xildhibaanka Aadan Faarax Shire.

Dhamaan dadkii ka hadlay madasha lagu aasay oo salaadda lagu tukaday ayaa alle uga beryayay inuu janadiisa fardowso uu ka waraabiyo.

Xildhibaanka dhintay waxaa uu ka mid ahaa dad tiradooda ay gaarsyo ku dhowaad 10- qof oo ku geeriyooday daadad uu ku qaaday gobolka Saaxil ee Somaliland.

Halkaan hoose ka daawo sida ay u dhacday duugta xildhibaanka.

You must be logged in to post a comment Login