Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: madaxweynaha maamulka Somaliland oo dib ugu soo labtay Hargeysa kana hadlay…

Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Hargaysa kadib safar uu ku tagay dalka Turkiga.
Markii uu soo laabtay ayuu saxaafada lahadlay waxaana uu ka warbixiyay safarkiisa Turkiga iyo waxyaabihii ay kala soo kulmeen Asiga oo shegay inuusan lakulmin Ra’isul wasaaraha Turkiga balse uu jeclaa inuu la kulmo

Sidoo kale Siilaanyo ayaa diiday inuu ka qeyb galo kulanka ka dhacaya magaalada London ee dalka UK kaas oo looga hadlayo xaalada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in kulankaas uu yahay mid aan quseyn Somaliland.
“Shirka London anaga nama quseeyo, “waxaana uu ahaa fursada kaliya ee aan kuwada hadli lahayn anaga iyo Soomaaliya”
Ma ahan markii ugu horeysay oo maamulka Somaliland ay diidaan inuu ka qeyb galaan shirka la doonaayo inuu dhawaan ka furmo magaaladan Londonee dalka UK. Dowlada britan ayaa looga fadhiyaa waxa ay ka tiraahdo hadalka ka soo yeeray madaxweynaha mamulka Somaliland
Ugu danbeyntiine hadalkaani ayaa ku soo aadaayo xili maanta dowlada Turkiga ay sheegay ineysan marnaba ogolaan doo nin gooni isu taaga amaamulka Somaliland & ka la goa umada Soomaaliyeed.

You must be logged in to post a comment Login