Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Madaxweynaha Somaliya Oo Lahadlayay Sarakisha Sare Ee Ciidanka Xoga

Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay dhamaadkii sanadkii hore booqasho ku tagay xarunta wasaarada Gaa-shaandhiga iyo xarunta taliska ciidanka xooga dalka ee Villa Baydhabo.

Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu tagay Wasaarada gaashaandhiga dalka Soomaaliya halkaasi oo uu salaan sharaf iyo warbixino kaga dhageestay saraakiisha ciidanka xooga dalka ee ku sugan Xarunta Wasaarada Gaashaan-dhiga.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay xarunta wasaarada gaashaan-dhigga ee degmada Dayniile dhacda isaga oo aad dhaliilay hab-dhaqanaka ciidamada qaarkood oo lasheego in ay shacabka dhibaata kuhayaan, oo ay gabdhaha kufsadaan, dadka boobaan iyaguna ay isdagaalaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi kadib tagay xarunta taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee Villa Baydhabo halkaasi oo ciidanka salaan sharaf kaga qaatay.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login