Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Madaxweynaha Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo Ka Gudoomay Danjirayaasha Sweden iyo Holland

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirada wadamada Sweden iyo Holland u fadhinaya dalka Soomaaliya Mikael Lindvell oo ah safiirka cusub ee dalka Sweden u fadhinaya dalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu 20 sano kadib noqdo safiirkii u horeeyey ee dalka Sweden uu usoo magacaabo dalka Soomaaliya.

Danjiraha Sweden ayaa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey weerarkii dadka faraha badan lagu gumaaday ee maalintii Axadda lagu qaaday xarunta maxkamada gobolka Banaadir,wuxuuna ku celceliyey sida ay dowlada dalka Sweden uga xun tahay weerarkaas bahalnimada ahaa.
Waxaa soo badanaya dalalka aduunka ee danjirayaasha usoo magacaabaya dalka Soomaaliya tan iyo markii uu soo hagaagay amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.

You must be logged in to post a comment Login