Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Madaxweyne Faroole oo maanta furay kalfadhi xasaasi ah oo xildhibaanada maamulka Puntland ay yeesheen

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud faroole iyo Xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada ayaa Maanta hortagay Golaha Wakiilada Puntland iyadoo ujeedada ugu muhiimsan ee uu Madaxweynuhu u danlahaa ay tahay in Xildhibaanada la horgeeyo wax ka bedelka qaar ka mid ah Qodobada Doorashooyinka golaha deegaanka oo ay Gudiga doorashooyinka Puntland usoo gudbiyeen Golaha Wasiirada isla markaana loo soo baasgareeyey iminka Golaha Wakiilada si ay u Meel Mariyaan.
Kal fadhi aan caadi ahayn ayaa laysugu yeeray in ka badan 40 Xildhibaan oo Madasha Xaadir ku ahayd waxaana shir gudoominayay Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi iyo ku xigeenkiisa iyadoo Gudoomiyuhu uu sheegay in Xildhibaanadu ay Fasax ku maqnaayeen balse laga maarmi waayay in kulankan deg dega ah oo danta caabka ah ay ku jirto loo qabto sida uu Gudoomiyuhu yiri wuxuuna kusoo dhaweeyey intaa ka dib Madaxweynaha Puntland Dr Faroole.
Qodobada ugu muhiimsan oo wax laga badalay ayaa waxaa ka mid ah in Qofka wax dooranayaa uu yahay Puntlander wata warqada Cadaynta, iyo in Qofku is diiwaan geilyo intuusan Codayn ka hor, iyadoo lagu badalay in Qofka Puntlander yahay balse laga reebay meesha Warqadiii cadaynta, iyo in Qofka uu is diiwan gelinkaro Maalinta Doorashadu socoto oo aan wax sharuud ah lagu xirin, waana mida dhalisay in 5ta Urur siyaasadeed eeka jira Puntland marka laga reebo HORSEED ay ka biyo diideen arintaasi is afgaran waana uu kusoo dhamaaday Kulan ay ururadaasi la yeesheen Gudiga Doorashooyinka ee la xiriirta wax ka bedelka Qodobada Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Puntland,waxaana Xildhibaano si hoose ula hadlay Raxan-Reebna ay saadaaliyeen in Golaha wakiiladu uu hirgelindoono Codsiga Xukuumada uga yimid iyadoo aan la ogayn go’aanka rasmiga ah oo ay qaadan doonaan Ururada arintaasi ka soo horjeeda hadiiba ay dhacdo.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login