Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Madaxweyne maamulka Puntland oo u anbabaxay Nairobi

Madaxweynaha maamu goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maantey u duulay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Madaxweyne Faroole socdaalkisa waxaa ku waheliyey wasiirka arrimaha guddaha Puntland Gen: Ilka Jiir .
Madaxweynaha ayaa intii uusan safarkiisa u anbabixin isagoo saxafada lahadlay sheegey inuu ku wajahan yahay magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya’ waxaana sheegey inuu halkaasi u tagaayo arimaha Puntland,madxaweynaha ayaa intaa ku darey in uu sidoo kale tagi doono wadamada dariska ah oo uu socdaalkisa kukala soobixindoono.

Madxaweynaha ayaa sidoo kale la sheegey inuu tagi doono magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia inkasto usan hadalkisa ku soo qadin oo uu ku kobiyey inu wadamada dariska ah tagi doono.
Socdaalkaan uu maantey madxaweynaha kaga dhoofey magaaladda Garowe ee xarunta Puntland ayaa noqonaysa muddo ku dhow sanad oo uu madaxweynaha safar kaga baxo Puntland.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login