Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud oo maanta xariga ka jaray Tallaalka cudurka Carruurta

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray tallaalka Caruurta kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.
Tallaakan ayaa ah mid ku cusub Soomaaliya waana mid ka hortagaya shanta cudur dilaa ee ay kamidka yihiin Gawracatada, Kojiyaha, Oofwareenka, Cagaarshaha iyo Xiiqdheerta.
Wasaarada adeega xukuumada Soomaaliya waaxdeeda caafimaadka gaar ahaan wasiirada adeega Maryam Qaasim ayaa dadaal dheer ku bixisay in talaalkan cusub ay keento gudaha Soomaaliya.
Wasiirada oo furitaanka munaasabada kahadashay ayaa sheegtay in talaalkan ay ka faa’idaysan doonaan caruur aad ubadan, waxaana warbixin goobta laga aqriyay lagu sheegay in 10-kii Cunug ee Soomaali ahba ay 2 kamid ah u geeriyoodaan cudurada looga hortagayo tallaalkan cusub.

Xasan Sh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo xariga ka jaray Tallaalka ayaa halkaas ku tallaalay 2 kamid ah carruurta Soomaaliyeed wuxuuna ugu baaqay dhammaan shacabka iney ka faa’iideystaan Tallaalkan cusub oo ah mid faa’iido badan leh.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhameystiran.

You must be logged in to post a comment Login