Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO MUUQAALKA: MUNAASABAD AY KU MIDOOBAYEEN XARKADA AL-ISLAAX EE GEESKA AFRIKA IYO GARABKA DAM JADIID OO MUQDISHO KA DHACADAY.

Munaasabad ka dhacday magaalada muqdisho ayaa lagu xaliyay khilaafkii ka dhex jiray Mas’uuliyiinta Ururka Al islaax oo sanado ka hor labo u kala jabay Al Islaax iyo Dam-jadiid.
Qeybo kala duwan oo ka mid ah bulshada iyo Mas’uuliyiinta Ururka ayaa kasoo qeyb galay Munaasabada maanta oo sidoo kale ay ka muuqanayeen Madax ka tirsan dowladda soomaaliya.
Waxaana ugu horeyn ka hadlay aas-aasihii URURKA Al-Islaax Sheikh Maxamed Axmed Nuur Garyare wuxuuna sharaxay sanadii iyo qaabkii loo aasaasay Al-Islaax,isaga oo sheegay in 1978 la aas-aasay Ururka Al-islaax halgan dheerna uu soo maray Ururkaasi.
Ugu dambeyntii ayaa waxaa madasha laga aqriyay warsaxaafadeed ay siwadajir ah usoo saareen labada dhinac kaasi oo qodobadiisa ay kamid ahaayeen inay ku heshiiyeen in dib loo mideeyo Ururweynaha Al-Islaax si meesha looga saaro khilaafka soo noq noqday ee Damjadiid iyo Al islaax ka dhexjiray.

You must be logged in to post a comment Login