Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Nin Kasoo Jeeda Galmudug Oo u Afduubnaa Maleeshiyo Kasoo Jeeda Garoowe Oo La Siidaayay

Maleeshiyaad kasoo jeeda magaalada Garowe ayaa maanta siidaayay nin lagu magacaabo C/laahi C/qaadir Warsame oo kasoo jeeda Galmudug, kaasi oo qayb ka ahaa dhacdooyin afduub oo xiriir ah oo ay isu gaysanayeen maleeshiyaadka kasoo kala jeeda Puntland iyo kuwa koonfurta Gaalkacyo.

Sheekh Axmed Daahir oo ka mid ah culimaa’udiinka waawayn ee Puntland iyo ehalada beesha afduubka gaystay ayaa ku guulaystay in lasii daayo C/laahi C/qaadir Warsame.

Wasiirka amniga maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan oo maxbuuska wareejiyay ayaa ka codsaday Galmudug sidaan oo kale inay yeelaan oo ay siidaayaan dadka kasoo jeeda deegaanada Puntland ee maleeshiyaadkooda afduubka ay u haystaan.

C/laahi C/qaadir ayaa la afduubay kadib markii dablay ay isku haybyihiin magaalada Gaalkacyo ku afduubteen Axmed Cabdulaahi Xaaji Cismaan oo kasoo jeeda magaalada Garowe, ninkaasi ayay maleeshiyaadka Galmudug u qabsadeen markii maxkamadda Garowe dil ku xukuntay nin kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo oo la sheegay aaladaha qarxa in lagu soo qabtay.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani & sida ay u dhacday oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login