Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Odayaal Kismaayo Ka Taageeray Musharaxnimada Axmad Madoobe

Xifaaltanka iyo loolanka siyaasaded ee u dhexeeya qaar kamid ah murashaxiinta xilka madaxtinimo ee jubaland ayaa cirka isku shareray kadib markii maanta qaar kamid ah odayaasha beesha Absame ay sheegeen in ay taageerayaan Musharaxnimada xilka Madaxweynenimada Jubaland Sh Axmad Madoobe.
Odayaasha ayaa Sheegeen wata tashi badan oo beeshu ay samaysay in Axmed Maxamed Axmed Madoobe ay u garteen in beesha Absame uu u matalo doorashada madaxtinimada jubaland oo maalmaha nagu soo fooda leh bilaabanaya.

Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in uu ku kalsoon yahay dadka reer jubaland in ay codkooda siin doonan isgoona sheegay in uu la kulmay ku dhawaad 4 beelod oo kamid ah beelaha daga jubooyinka iyo gado dhamaantoodna uu kala hadlay sidii ay codkooda usiin lahayeen.
Dhanka kale waxaa isna hadalka odayaasha ka horyimid Gaandhi oo ku tilmaamay odayasha Kismaayo ku kulmay kuwo marin habaabinaya hadafka jubaland oo ah in qof walba oo reer jubaland ah in uu xor u yahay in la doorto waxaana uu bidhaamiyay nuxurka kulanka ay odayaasha yeeshen oo uu ku micneeyay mid aan marna ka hor istaagaynin in uu u tartamo xilka madaxwaynaha jubaland lana dooran karo.

You must be logged in to post a comment Login