Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo khudbad ka jeediyay Baarlamaanka Puntland, kormeerna ku tagay xarumo kala duwan

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo waftigii uu hoggaaminayay oo maalintii labaad booqasho ku joogo Puntland ayaa khudbad dheer ka jeediyey xarunta golaha baarlamaanka Puntland, waxaa sidoo kale ra’iisul wasaaruhu uu booqasho kusoo kala bixiyay xarumo kala duwan, sida wasaaradaha cadaaladda, caafimaadka, xabsiga weyn oo dhisme ku socdo iyo madaxtooyada cusub oo dhismaheedu marayo heer gabo-gabo ah.

Mudane Saacid ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa jeediyey ayaa aad uga hadlay ahmiyadda ay leedahay wadajirka iyo midnimadda Soomaaliya, isagoo xusay in loo baahan yahay in wax kasta oo walaac laga muujinayo loo xaliyo si hoose.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/raxmaan Sh. Maxamuud Faroole iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdisamad Cali Shire ayaa booqasho socod ah kusoo kala bixiyay qaar ka mid ah wasaaradaha maamulka Puntland iyo xarumo ay ka mid tahay madaxtooyada cusub ee Puntland oo dhisme balaaran ka socdo.

You must be logged in to post a comment Login