Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Raisul wasaare Saacid oo gaaray Beydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu gaaray Wasiirka koowaad ee xukuumada Somaliya Cabdir Faarax Shirdoon (Saacid).

wafdiga ra’iisalwasaaraha ku wehliya safarkiisa waxaa kamid ah xubno katirsan golihiisa wasiirada oo uu ugu weynyahay ah Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi iyo xubno deegaan ahaan kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa wafdiga Ra’iisalwasaaraha waxa ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolkaasi ee xilligoodii dhamaaday iyo dadweyne gacmaha ku watay caleemo qoyan iyagoo kadibna loo galbiyey magaalada Baydhabo.

Waxaa lasoo sheegayaa in wafdiga Ra’iisalwasaaraha ay kulamo la qaadanayaan mas’uuliyiinta dawlada ee maamulka gobolka Bay iyo qaar ka mid ah waxgaradka gobolladaasi.
Halkan hoose ka daawo warkaani oo faahfaahsan.

You must be logged in to post a comment Login