Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Raisul wasaare Saacid oo kormeeray qaar kamid ah xarumaha ciidamada DF ee Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha tababarka ciidamada, iyo goobo kale, sida, Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, Dugsiga Tababarka ee Jenenar Kaahiye (Ex. Iskola Bolisiya), Xerada Jazeera, taliska Ciidanka nabadsugida Qaranka, taliska Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed, xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyo Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeerkiisan waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashagga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, Wasiir kuxigeenada Warfaafinta, Cabdishakuur Cali iyo Mire, Ibraahim Yarow Isaaq, iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha-qarsho

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha wasiirada ah ee la socday ayaa tegay xarunta tababarka ciidanka ee Jeneral Kaahiye, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamada Birmadka kuwaasoo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaano oo faahfaahsan.

You must be logged in to post a comment Login