Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Ra’isulwasaaraha Somaliya iyo wafdi uu hogaaminaayo oo manta gaaray Galgaduud kulana la qaatay Msuuliyiinta Ahlu suna wal jameeca.

Wafdi uu hogaamiyo Ra’isulwasaare Saacid ayaa manta waxaa ay gaareen Gobalka galgaduud ee Bartamaha dalka Somaliya iyagoona kulamo la qaatay Masuuliyiinta ugu Sar sareysay Ahlu suna waljameeca.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha uu hogaamiyay waxaa kamid ahaa Waziirka Arimaha gudaha iyo wazaaradda Gaashaan dhiga ee Xukumadda Fadaraalka Somaliya.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa uu amaanay amaanka Gobalka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan Ahlu Suna waxaana arintaas uu ku sheegay Ra’isulwasaaraha in ay tahay horamar ay gaareen Maamulka Ah lusuna waljameeca oo dagaallo xooggan kula jirta Al-shabaab.

Dhanka kale Maamulka Ahlu suna waljameeca ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen tagidda uu Ra’isulwasaaraha uu ku tagay Gobalka Glgaduud oo ay maamulaan Ahlu sunna.

Warar ki ugu danbeyay ee hadda naga soo gaaraya Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Kulankii socday uu haatan soo gaba gaboobay kaasoo farxadleh loogu soo dhaweeyay Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login