Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Raisulwasaare Saacid oo kormeer ku tagay Goobaha Ugu Muhiimsan Kismaayo

R/Wasaaraha Jamuuriyada Fedaraalka ka ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon [Saacid] iyo wafdigii uu hogaaminyay ee maalmahanba ku sugnaa magalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ay kormeer maanta ku tageen xarumaha Ciidamada Xooga Dalka iyo Dakada Magalada Kismaayo
Ugu horayn R/W Shirdoon waxaa uu garay Dakada magalada Kismaayo waxaana halkaas kusoo dhaweyay masuuliyinta dakada Kismaayo waxaana uu halkaas warbixin kasiiyay Madaxda Dakada Kismaayo
R/W Jamuuriyada Fedaraalka ka ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon waxaa uu kale uu booqday maanta taliska labaad ee Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaala Xerada Shiirkole Ofishaale waxaana halkaas uu mudo saacado ah kulan aan warbaahinta loo fasixin la qaatay Saraakiisha Ciidamada.

You must be logged in to post a comment Login