Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: R/wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay ergayga qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka

Ra’iisul wasaaraha ka hor inta uusan warfiyeennada shirka jaraa’id ku qaban ayuu kulan saacado badan qaatay la yeeshay qabiir Qaramada Midoobey si gaar ah ugu qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka, iyadoo kulanka uu goob joog ku ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee Geneva Yuusuf Babari, waxeyna ka wada hadleen ilaalinta iyo soo celinta xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaan wariyeyaasha u sheegay in xafiiskiisa kulanka uu kula qaatay Ergayga Qaramada Midoobey Dhinaca xuquuqul Insaanka u qaabilsan Soomaaliya uuna hor dhigay qorshaha dowladda ee la xiriirra arrimaha Xuquuqul Insaarka iyo sida ay uga go’an tahay horumarintooda.

Mudane Saacid ayaa intaa raaciyey in si simman loo wadaagi doono dhammaan howlaha dowladda, isla markaana ay ku dadaallayaan in la fududeeyo waxqabadka hey’adah ay sida gaarka ah u quseyso arrimaha Xuquuqul Insaanka, sida Dastuurka dalka uu sheegayo.

Dhinaca kale Dr Shamsubari Ergayga dhinaca xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey u Qaabilsan, isla markaana ah qabiir howlahaasi ku xeerl dheer ayaa isna la hadlay warbaahinta, waxuuna sheegay in kulan weyn uu ahaa qaabilaaddii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isgaoo xusay in ay uu helay mid ka badan xogta uu raadinayey, Soomaaliyana ay diyaar u tahay in ay kaalinta uga aaddan ilaalinta Xuquuqul Insaanka in ay qaadato.

Sannadkii laba mar ayaa warbixinno laga gudbiyaa arrimaha xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo lagu gorfeeyo xarunta Qaramada Midoobey ee xuquuqul Insaanka ee Geneva, waxaana waxaana la saadaalinayaa in sannadaha soo socda Soomaaliya ay isbaddel weyn ka gaarto howshaani, kaddib dadaalka ay ku bixiso Xukuuumadda Federaalka Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login