Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Saacid oo gaaray deegaanada Galmudug

R/ wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi labada gole kamid ah oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug kadib markii uu kasoo duulay magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal oo laba habeen uu ku sugnaa.

Saacid ayaa waxa si wada jir ah u soo dhaweeyay maamulada waqooyiga iyo koofurta Gaalakacyo oo uu ugu tun weynaa madaxwaynaha Gal-Mudug, Cabdi Xasan Cawaale.

madaxwaynaha Gal-Mudug, Cabdi Xasan Cawaale, iyo R/wasaare Saacid ayaa xilligaan waxa ay wada hadal ku leeyihiin madaxtooyada Gal-mudug oo ku taalla Koofurta Gaalakacyo.

Amaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay si wufuuda uu hogaaminayo R/wasaaraha Soomalaiya Cabdi faarx Shirdoon (Saacid) ay nabad gelya uga soo anba baxaan magaalada inta ay joogaanna rabsha dheeraad ah looga hor tago.

You must be logged in to post a comment Login