Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya oo Garoowe gaaray

Ergayga Maraykanka u qaabilsan Somalia Ambassador James Swan ayaa maanta soo gaaray caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garowe waxaana uu la kulmay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole .

Saraakiil ka socda Britain iyo Sweden wakiilka USA ee Soomaaliya safarkan ku wehelinaya,waxana ku soo biirey wafdi ka socdey guddiga Midowga Yurub u qaabilsan Dimoqraadiyada,arimaha laga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah nidaamka Axsaabta badan,amaanka,arrimaha federaalka iyo kuwo kele.

Madaxwaynaha Puntland ayaa kulan albaabada u xirnaayeen kadib waxaa uu la hadlay wariyeyaasha.

Waxaa uu sheegay wafdiga inay kala hadleen teegeeridda nidaamka xisbiyada Puntland, amaanka, faderaalka iyo xaaladda wadanka Soomaaliya , isagoo sheegay wafdiga inay aad u daneynayeen nidaamka xisbiyada Puntland.

You must be logged in to post a comment Login