Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Sanad Guurrada 53aad Ee Kasoo Wareegatay Aas Aaska Ciidammada Xoogga Dalka Oo Laga Xusay Gobolka Hiiraan

Ayadoo maanta ay ku beegantahay sanad guurrada 53aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta gobollada Dalka waxaa lagu qabtay Munaasabaddo kala duwan oo lagu maamuusayo maalintan.

Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacday munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidammada Xoogga Daka iyo Saraakiisha Ciidammada Hiil Walaal ee ka socda Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

Munaasabadda ayaa waxaa khudbad ka jeediyey saraakiil ka socotay ciidammada walaalaha Jabuuti oo iyagu faah faahin ka bixiyey magacii iyo taariikhdii ay caalamka ay ku lahaayeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana ay saraakiisha Ciidammada Jabuuti ballan qaadeen iney sii wadi doonaan kaalinta ay ku leeyihiin dib u dhiska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed si uu usoo gaaro halkii uu shalay taagnaa.

Gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo oo isaguna munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in maamulka gobolka Hiiraan ay ka go’antahay sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

You must be logged in to post a comment Login