Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Sedex Caruur ah oo ku Geeriyoodey Dab Qabsaday Mid kamida Xeryaha ay ku nool yihiin Barakacayaasha ee ku yaalla Garoowe

Dab khasaare geystey ayaa ka kacay mid kamid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Kaamka uu dabku qabsaday oo lagu magacaabo Kaam Ajuuraan, waxaa ku dhaqan boqollaal qoys oo danyar ah, kuwaas oo intooda badani ay kasoo barakaceen gobollada koonfureed ee dalka.

Dadbka oo ahaa mid xooggan ayaa sababay geerida 4-ilmood oo isku qoys ah, iyadoo sidoo kale ay ku bas beeleen in ka badan 200 oo guri oo cooshado ka sameysan (buushash).

Caruurta walaalaha ah ee geeriyoodey ayaa xilligii uu dabku kacayey ku xirnaa gurigooda, waxaana sidoo kale xilligaas aan goobta joogin labadooda waalid oo suuqa shaqo ugu maqnaa.

Halkaan hoose ka daawo warbixintaani naxdinta leh.

You must be logged in to post a comment Login