Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Shir-weynaha Qaran Ee Waxbarashada Dalka oo Ka Furmay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirweynaha qaran ee waxbarashada oo ay soo qaban qaabisan Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada.

Shirka waxaa ka qeyb galaya wakiillo ka socda dowladda Soomaaliya, Maamul goboleedyada ka ka jira dalka, Culimaa’udiin iyo aqoonyahanno, wakiillo ka socdo jaamacadaha iyo dalladaha waxbarasho ee dalka ka jira, Ururrada bulshada iyo hay’ado caalami ah.

Shirkan oo socon doona ilaa 20-ka bishan, ayaa lagu eegayaa xaaladda waxbarasho ee dalka Soomaaliyeed, Caqabadaha ay wajaheyso iyo horumarka la gaaray.

Shirka Waxaa furtay Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Marwo Maryan Qaasim, oo sheegtay in shirkani bar-bilow u yahay sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada Soomaaliya.

Dr Maryan Qaasim Axmed oo ka hadashay shirka ayaa sheegtay in wasaaradeeda ay soo qabanqaabisay shirka weynaha waxbarashada dalka,ayna gacab ka siiyeen hay,adaha UNESCO iyo UNICEF.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo xiiso gaar ah leh.

You must be logged in to post a comment Login