Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO MUUQAALKA: SHIRKADA GOLIS AYAA ISBADEL KU SAMEYSAY NUMBARKA SHIRKADA LOOGA SOO WACO DALKA IYO DIBADABA

Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis Telcom Somalia ayaa maanta shaacisay nambar dheeraad ah oo lagu soo kordhiyay furaha taleefanka shirkadda ee gudaha iyo dibadda , taasi oo noqonaysa nambarka 7.

Munaasbad maanta kadhacday xarunta shirkadda Golis ee Bosaso ayaa lagu shaaciyay in nambar dheeraad ah lagu soo kordhiyay taleefanka shirkadu ay bixiso.

Kuxigeenka maareyaha Guud ee Golis Saciid Aadan Axmed oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay isbedelka nambar inay shirkadda uga dan leedahay balaarinta adeega taleefan ay u baahanyihiin macaasha shirkada.
Furaha dibadda ayaa noqonaya 00252907 , halka gudahana nambarka caadiga laga hormarsiin doono 7 .

Shirkadda Golis oo ah shirkadda ugu balaaran ee adeegyadeedu bulshada ay aad u isticmaalaan, ayaa ahayd shirkadii ugu horaysay ee degaanada Puntland keenta taleefanada gancanta Mobile-ka.

You must be logged in to post a comment Login