Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Shirkii Somalia iyo Somaliland oo Turki ka bilaamay

Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka socda shir dhex maraya Dowaladda Federaalka Somaaliya iyo maamulka Somaliland,waxaana shirkan xilligan uu u dhexeeya guddi farsamoo ka socda labada dhinac diyaarinayana shir berito oo sabtiya ay yeelanyaan madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Siilaanyo.

Wararka aan ka helayno Istanbul ayaa sheegay in shirku u socda xubnaha ka kala socda laba dhinac aysan jirin cid ku dhex jirta ama dhexdhexaadinaysa.

Shirka beri ay yeelanayaan Madaxweynayaasha ayaa isagu ka dhacaya magaalada Ankara ee caasimada Turki waxaana la filayaa in berito uu soo xermo shirka gao’aamana laga soo saaro.

Waa shirkii Saddexaad ee ay yeeshaan Dawladda Somaaliya iyo Somaliland sanadkii hore 2012 ayaa shir noocan kele ahi waxaa uu ka qabsoomay Dubai iyo London.

You must be logged in to post a comment Login