Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Taliska ciidanka nabad-galyada wadooyinka oo amar ka soo saaray gawaarida sida sharcidarada ah u isticmaala wadooyinka

Taliska qeybta Nabad-galyada waddooyinka ammarka ka soo baxay ee ku aaddan in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado Gaadiid sida sharcida darrada ah uga howl-gala magaalada Muqdisho ayuu horey uga soo baxay taliska guud ee ciidammada Booliska Soomaaliyeed, sida warbaahin uu u sharaxay taliyaha qeybta nabadgalyada waddooyinka Cali Barre Xersi “Cali-gaab”, waxa uu intaa raaciyey in gacanta lagu soo dhigay gaadiid xadgudub ku sameeyey sharciyada waddooyinka iyo sharuudaha looga baahnaa.

Sidoo kale taliyaha qeybta nabad-galyada waddooyinka ayaa sheegay in wixii ku abtirsada gaadiid si isku mid ah loola dhaqmi doono isla markaana sharciga uu oggalyahay in magaalada dhexdeeda uu isticlaamo gaadi sharciyeysan.

Tallaabooyinka uu qaaday taliska qeybta nabadgalyada waddooyinka ayaa xoojinaya hirgalinta sharciyada waddooyinka iyo sidoo kala xakameynta shilalka ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana u jeedadu tahay in nidaamka uu wada gaaro guud ahaan dalka iyadoo laga soo billaabyo qeybta mudan in laga soo xoojiyo.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaano oo dhan

You must be logged in to post a comment Login