Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Ururka dhalinyarada SYLII oo xusay 15 May 70 Guuryadii asaaska ururka Gobanimo doonka SYL

Munaasabad lagu maamusayay 15 May, sanad guuradii 70aad ee kasoo wareegatay aas aaskii uruka gobanimo doonka somaaliyeed ee SYL ayaa lagu qabtay ee magaalada muqdisho, munaasabadaas oo ay soo agaasimeen ururka dhalinyarada SYLII ayaa aheyd mid aad u heer sareeysay oo dhalinyarada ay iskood isugu yimaadeen barxad banaan. Qudbooyin guubaabo iyo la talin ah ayaa dhalinyarada loogu sameeyay munaasabadda waxaana kasoo qeyb galay boqlaal dhalinyaro ah, xildhibaanno, abwaanno iyo qaar ka mid ah dad in badan kasoo shaqeeyay arimaha dhalinyarada sida wasiirkii hore ee hub ka dhigista iyo dhaqan celinta dhalinyarada, Cumar Cali Rooble.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa isugu soo baxay barxada weyn ee xarunta ururka dhalinyarada somaaliyeed ee SYLII , dhalintaa ayaa wajiyadooda laga dheehanayay farxad waxeyna ku libisnaayeen astaanta calankeena halka qaar kale ay iyaguna xirnaayeen halku dhigyo ay ku mujinayaan dareenkooda ku aadan 15 may oo ay ka mid ahaayeen “15 may waa maalin xusid mudan” iyo halku dhigyo kale oo fara badan, maaha markii ugu horeeysay ee ururka dhalinyarada somaaliyeed ee SYLII usoo agaasimo munaasabao ceeynkan oo kale ah.

You must be logged in to post a comment Login