Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka arimaha Dibadda Masar oo Muqdisho Soo Gaaray

Wafti uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada dowlada Masara ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaana si diiran ugu soo dhaweeyey xubno ka tirsan wasiirada xukuumada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka difaaca xukuumada Soomaaliya C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi.
Waftiga ka socda dowlada wadanka Masar ayaa waxaa loosoo galbiyey xarunta madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed ee Villa-Soomaaliya halkaas oo ay kula kulmeen madaxda ugu saraysa dalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay madaxweynaha umada Soomaaliyeeed Xasan Sh.

Wafdigani heerkiisu sareeyo oo ka socday dowlada Masar ayaa maanta Muqdisho soo gaaray kadib labatan sano oo diblamaasi Marsari ah uusan cagta soo dhgin Soomaaliya.

Socdaalkaasi oo ahaa mid taariikhi ah ayaa waxaa loogu gogol xaarayay xariir qurux badan oo Soomaaliya iyo Masar dhex mara maadaama in badan ay kala maqnaayeen, waxaana isla maanta laga furay Muqdisho Safaaradii Masar.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login