Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi uu horkacayay ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoona ra’isul wasaaruhu ay safarkiisa ku wehlinayeen masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka warfaafinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi.
Wafdiga ayaa markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka KMG Kismaayo iyo dadweeyne aad u fara badan oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada.

Garoonka ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha ay caanka ku yihiin gobollada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana sidoo kale dadkii halkaasi ku sugnaa ay ku labisnaayeen dhar ka sameysan calanka iyo weliba labiska hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Ra’isul wasaare Saacid ayaa gudaha garoonka salaam sharaf uga gudoomay cutubyo katirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana intaasi kadib loo soo gelbiyay gudaha magaalada, iyadoona ay la socdeen ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM.

Wafdiga oo ay wehlinayeen masuuliyiinta ugu sareeysa maamulka KMG ee Kismaayo ayaa lagu dajiyay Hotel Tawakal oo ay hore ugu sii sugnaayeen xubno katirsan golaha wasiirada oo dhawaan soo gaaray magaalada,

Intaas kadib ayaa kulan ay dibad joog ka ahayd saxaafadda waxa halkaasi ku qaatay wafdigii ka socday dowladda iyo masuuliyiinta maamulka KMG, waxaana ilaa imika la garanayn waxa ay uga hadleen kulankooda.

Waa markii ugu horeeysay oo ra’isul wasaare Saacid uu safar ku yimaado magaalada Kismaayo tan iyo intii loo magacaabay xilka ra’isul wasaarenimo ee dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in wafdiga ra’isul wasaaraha mudada uu jooga uu maamulka KMG Kismaayo kala hadlo arimo ay ugu muhiimsanyihiin arinta dhismaha maamulka Jubbaland.
Halkaan hoose ka daawo soo dhaweyntii raisul wasaare Saaciid loogu sameeyay maagalada Kismaayo.

You must be logged in to post a comment Login