Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka Beesha Xawaadle oo Kulan ka Dhacay Magaalada Baladweyne ku shaacisay inay Qaadacday Dowladda Soomaaliya

Kulan xasaasi ah oo maanta ay ku yeesheen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, siyaasiyiinta, aqoonyahannada, saraakiisha ciidamada, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa laga sheegay in beesha kalsoonidii kala noqtay dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo eedeyn balaaran u jeediyay wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariiin Xusseen Guuleed.

Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqooyahannada iyo saraakiisha ciidamada kulanka ka qeyb-gallay, ayaa sheegay in arintan ay la socod siinayaan ogeysiisna ka siin doonaan isla maanta saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya, iyaga oo ku war-gallinaya in laga bilaabo maanta ciidamada beesha aysan dowladda federaalka ka mid aheyn.
Halkaan hoose ka daawo warbixintani oo faahfaahsan.

You must be logged in to post a comment Login